Home Ciyaaraha Antoine Griezmann Oo Saaxibo Ku Dhaw U Sheegay banaadirsom Uu Ku Biirayo...

Antoine Griezmann Oo Saaxibo Ku Dhaw U Sheegay banaadirsom Uu Ku Biirayo Haddii Uu Barca Ka Huleelo. – banaadirsom

Wargeyska Sport ee Spain ayaa daboolka ka qaaday xog cusub oo la xariirta mustaqbalka Antoine Griezmann ee Barcelona

Wargeyskaas waxa uu xusyaaa in laacibka uu ku war giliyay saaxibo ku dhaw oo Barca  ah banaadirsom uu doonayo in uu aado haddiiba ay dhacdo in Barca go`aan buuxa ku gaaraan iibkiisa

Sport waxa ay tilmaameysaa in Antoine Griezmann uu doonayo in uu dib ugu laabto kooxdiisa hore ee Atletico Madrid arintaas uu u sheegay saaxibo ku dhaw.

Antoine Griezmann ayaa Barca u yimid xagaagii 2019-kii waxaana waqtigaas laga bixiyay 120 milyan , sida muuqata haatan qiimahaas ama wax u dhaw koox bixineysa ma jirto .

Laacibkaas kuma soo muuqan heer ciyaareedkii laga faliyay , 22 gool ayuu dhaliyay tan iyo markii Atletico uu ka soo tagay

Wargeyska Sport waxa uu qorayaa in Barca oo dhibaato dhaqaale mareysa ay doonayaan in ay iska iibiyaan dhowr ciyaartooy waxaana ku jira wiilkaan reer France oo sidoo kale aad looga doonayo horyaalka Ingriiska

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Atletico Madrid uu muujiyay in albaabada u furan yihiin Antoine Griezmann haddii uu doonayo in uu ku soo laabto xilli xariirka u dhaxeeya labada nin uu aad u wacan yahay

 

 

Source link