Ansu Fati Oo Ku Soo Laabtay Real Madrid, Miyuu Ciyaari DOonaa Kulanka Real – Banaadirsom

Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday in Ansu Fati uu ku soo laaban doono kooxda Barcelona kulanka semi-finalka ay la ciyaarayaan Real Madrid Supercopa de Espana.

Ansu ayaa garoomada ka maqnaa muddo labo bilood ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, waxaana lagu wadaa inuu ka hoos ciyaaro Xavi markii ugu horeysay Arbacada.

Inkastoo uu kaliya ciyaaray 376 daqiiqo xilli ciyaareedkan, Ansu ayaa wacdaro dhigay 8-dii kulan ee uu ciyaaray, isagoo afar gool ka dhaliyay, Levante, Valencia, Dynamo Kiev iyo Celta Vigo.

19-sano jirkaan ayaan weli wax guul ah ka gaarin Real Madrid, Isaga oo Los Blancos kala kulmay 3 guuldaro iyo hal bar-baro.

Soo laabashada Fati ayaa war fiican u ah Xavi iyo Barcelona kuwaas oo doonaya in ay garaacaan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid kulanka Spanshi Super Cup.


Source link