Home Ciyaaraha Andy Robertson Oo Ka Hadlay Fursadihiisa Ka Qayb Galka Kulanka Chelsea. –...

Andy Robertson Oo Ka Hadlay Fursadihiisa Ka Qayb Galka Kulanka Chelsea. – Banaadirsom

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa ka hadlay taam ahaanshihiisa iyo kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonaan chelsea kulan ka tirsan premier League.

Kooxda Liverpool ayaa Chelsea marti galin doonta Sabtida kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Xiddiga Andy Robertson ayaa dhaawac ayaa ku seegay labadii kulan ee ay Liverpool ciyaartay horyaalka premier League kadib markii uu ku dhaawacmay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Isaga oo ka hadlaya diyaargarowgiisa kulanka Chelsea, Andrew Robertson ayaa yiri: “Waxaan haystaa hal todobaad oo tababar ah, waan eegi doonaa waxa dhaca”.

“Laakiin waxaan diyaar u noqon doonaa inaan ciyaaro, sidaan sheegay waxaan rajeynayaa inaan mar walba diyaar ahaado ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka”.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link