Home Ciyaaraha Andrea Pirlo Oo Diirada Saaray 5-ta Boos Ee Ay Ku Kala Badin...

Andrea Pirlo Oo Diirada Saaray 5-ta Boos Ee Ay Ku Kala Badin karaan Xulalka Italy Vs England Final-ka Euro 2020. – banaadirsom

Xiddigii hore ee xulka Qaranka Italy ee Andrea Pirlo ayaa magacaabay 5-ta meel ee ay ku kala badin karaan xulalka Italy iyo England Final-ka euro 2020.

Xulalka England iyo Italy ayaa isaga hor iman doona final-ka euro 2020 Axda kulan ka dhici doona Wembley iyada oo labada xul ku tartami doonaan koobka sanadkan.

Andrea Pirlo oo waraysi siinaya wargayska Mirror ayaa doortay 5-ta boos ee ay ku kala badin karaan labada xiddig kulanka final-ka euro 2020.

KANE Vs CHIELLINI

“Tani waxay noqon kartaa dagaal weyn, Kane waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican, ugu awooda badan adduunka – laakiin hadii uu jiro difaac joojin kara waa Chiellini”.

SHAW Vs CHIESA

“Labada xiddig ee ugu fiican tartanka euro 2020 ayaa iska hor iman doona kulankan labadooduba waxa ay leeyiiin tayo fiican sidoo kale waxa ay leeyihiin tamar buuxda”.

MOUNT Vs VERRATTI:

“Italy iyo England labaduba waxay leeyihiin difaac aad u fiican labadan xiddig waxa ay leeyihiin dhankooda hal abuur ay ku heli karaan daqiiqad ay guul ugu hogaamiyaan xulkooda, uma malaynayo in uu kulanku noqon doono mid fursan kulamada noocan oo kale ahna waxa loogu tala galay xiddigaha leh maskaxdooda”.

PHILLIPS Vs JORGINHO:

“Labada xiddigba waxa ay ku fiicanyihiin ilaalinta difaaca iyo in ay ku adag yihiin khadka dhexe, inta badan shaqadooda ayaa noqota mid aan la rumaysan laakiin waxan u malaynayaa in ay labadooduba soo qaateen tartan fiican ilaa haatan”.

STONES Vs IMMOBILE:

“Stones waxa uu noqday mid ka mid ah difaacyada ugu fiican yurub laakiin waxa uu mari doonaa tijaabadiisii ugu adkayd isaga oo ka hor tagi doona mid ka mid ah weeraryahanada ugu khibrada iyo gool dhalinta fiican”

Source link