Home Wararka Maanta AMISOM oo ka hadashay weerarkii dad rayid ah lagu diley gobolka Shabelaha...

AMISOM oo ka hadashay weerarkii dad rayid ah lagu diley gobolka Shabelaha Hoose

Qoraal la soo dhigay bogga twitter-ka AMISOM ayaa lagu sheegay in xilli ay ciidamada Uganda ilaalinayeen waddada wayn ee isku xirta Beledul-amiin iyo Golwayn ee Shabeellaha Hoose, in Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah soo qaadeen.

AMISOM ayaa lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku laayeen meesha uu weerarka ka dhacay agteeda.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cusmaan Raage oo la hadlay saxaafada ayaa AMISOM ku eedeeyay in dadkaas rayidka ah ay dileen.

“Inta indhaha ka xireen ayey ku fariisiyeen miino ka dibna way ku qarxiyeen”, ayuu yiri Nuur.

Hase yeeshee, Qoraalka AMISOM ayaa lagu sheegay in Intii is difaacidda ay socotay, 7 argagixiso lagu dilay, kuwa kalena lagu dhaawacay, hubna waa la soo qabtay.

“AMISOM waxay bogaadineysaa geesinimada iyo howlgalka degdegga ah ee askarteeda oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay”, ayaa ku xusan qoraalka.

 

Source link