Alshabaab oo Madaafiic ku garaacay Saldhig Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku leeyihiin duleedka Kismaayo.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic ah oo xalay ay AlShabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in jugta madaafiic xalay laga maqlay deegaanka Bar Sanguuni,hayeeshee aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyida weerarkaas madaafiicda ahaa ayaa waxaa ay sheegeen inay hoobiyeyaasha ku dhaceen Gudaha xerada wallow aysan jirin dad madax bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in weerark Al-Shabaab ay jawaab ka bixiyeen,isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada ku sugan Xerada Baar Sanguuni.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland Maanta halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaqyo Ciidan.