Home Ciyaaraha Alan Shearer Oo Saadaaliyay Banaadirsom Ku Guulaysan Doonta Premier League & Kooxaha...

Alan Shearer Oo Saadaaliyay Banaadirsom Ku Guulaysan Doonta Premier League & Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya. – Banaadirsom

Alan Shearer ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono xilli ciyaareedka premier League caawa bilaaban doona isaga oo chelsea u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League isla markaasna Liverpool u saadaaliyay kaalinta 4-aad.

Xilli ciyaareedka 2021/2022 ayaa caawa si Rasmi ah u bilaaban doona iyada oo ay Banaadirsom Arsenal marti u noqon doonto Banaadirsom ku cusub horyaalka premier League ee Brentford.

Shearer ayaa filaya in ay Man City ku tartanto horyaalka premier League laakiin saxiixa Romelu Lukaku uu chelsea ku hogaamin doono horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“In Ay Man City hesho saxiixa Harry Kane waa arin cajiib ah laakiin hadii ay dhacdo ma ahan in uu tartanka horyaalka premier League damaaday”ayuu shearer yidhi.

“Man City uma noqon doono tartan fudud gaar ahan markii ay chelsea la soo saxiixatay Romelu Lukaku”.

“Aniga ahaan horyaalka waxaku guulaysan doonta Chelsea, kaalinta 2-aad waxa gali doonta Man City halka ay United gali doonto 3-aad & Liverpool oo gali doonta kaalinta 4-aad”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka Hadlay.

Source link