Home Wararka Maanta Al shabaab oo weerar gaadmo ah ku dishay askar Kenyan ah

Al shabaab oo weerar gaadmo ah ku dishay askar Kenyan ah

Wararka laga helayo Gobalka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaabina saddex askari oo Kenyan ah ay ku dileen weerar gaadmo ah.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu dhacay Todobaadkii hore waxaana Taliyaha booliiska gobolka waqooyi-bari, Rono Bunei uu xusay in  labada weerar ka dhacay meel ku dhow soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in saddex kale ay ku dhaawacmeen weerarrada.

Sidoo kale waxaa ku dhintay weerarka haweeney xanuunsaneyd oo isbitaal loo sii wadday, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen ayaa laga soo xigtay taliska booliska.

Xubno katirsan Al shabaab ayaa rasaas ku furay gaari kale oo marayay duleedka Fino, waxayna isla goobta ku dileen aabe iyo wiil uu dhalay, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

waa weerarkii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah kadib markii uu hakad galay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Weeraradan ayaa bishii June curyaamiyey howlihii degmada maadaama waddooyinka intooda badan laga dhigay kuwo aan la mari karin.

Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah dhowrkii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda geysay Soomaaliya 2011 si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Kenya ayaa sheegtay in u daabulida ciidamadeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay ilaa hadda gacan ka geysteen ka hortagga weerarada qaraxyada, faafinta wararka been abuurka online-ka ah, iyo ka ganacsiga sonkorta koontarabaanka ah ee xadka ka soo gudubta.

 

Source link