Home Wararka Maanta AKHRISO: Xilliga Doorashada Aqalka sare xilliga toos ubilaabaneyso aan ogaanay

AKHRISO: Xilliga Doorashada Aqalka sare xilliga toos ubilaabaneyso aan ogaanay

Warbaahinta Badweytims ayaa ogaatay in dib udhaca doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ay ugu wacan tahay arimo farsamo oo saacadihii lasoo dhaafay taagnaa.

Madaxda dawlad Gobolleedyada oo laga sugayo inay soo gudbiyaan liiska murashaxiinta utaagan xilka seneterada Soomaaliya iyo murashaxiinta qaar oo laga diidan yahay inay beelahooda soo qanciyaan si ay utartamaan.

Habraaca doorashada ee lasoo saaray kol hore waxaa ku mudeysneyd 25-ka bisha oo maanta aheyd in xildhibaanada aqalka sare lasoo doorto.

Inkastoo ay diideen guddiyada loo xilsaaray arimaha doorashadaas inay saxaafada la hadlaan hadana waxay Badweytims  xog ku heshay in ugu dambeyn Talaadada oo ku beegan 27 bisha ay Kismaayo noqon doonto magaalada ugu horeysa ee doorashada qabata.

Dhaq dhaqaaqyadii udambeeyey ee diyaar garow ah ayaa la dareemayaa oo ku aadan in doorashada la guda galo islamarkaana murashaxiin badan ay xilkaasi raadinayaan.

Villa Soomaaliya ayaa hardan Adag ugeleysa inay soo saarato xildhibaanada ugu badan ee golaha shacabka si ay ugu suurta gasho dib usoo laabashada xukunka madaxweyne Farmaajo.

Kismaayo marka laga soo tego Baydhabo ayaa ah magaalada Labaad ee ololaha doorashada aqalka sare laga dareemayo,iyadoo maanta la shaaciyey xubnaha guddiga doorashadaasi qaban lahaa.

 

Source link