Home Wararka Maanta AKHRISO: Kulan Qarsoodi Ah oo Rooble la yeeshay Guddiga Amniga Doorashada

AKHRISO: Kulan Qarsoodi Ah oo Rooble la yeeshay Guddiga Amniga Doorashada





Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska  AMISOM.

Ra’isul Wsaare Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha in ay u diyaar garoobaan masuuliyadda culus oo ay u gutaan si hufan.

Ra’iisul Wsaare ayaa ah qofka hogaaminaya fulinta doorashooyinka iyo amnigeedaba si ay u qabsoonto doorashada dalka.

Doorashada ayaa soo dhawaatay waxaana Rooble uu sheegay in xilligeeda ay ku dhici doonto oo farsamo awgeed dib haday udhacdana laga soo sheegi doono.

 




Source link