Akhriso: Cabdi Xaashi oo ka horyimid sharci uu si hoose u saxiixay MD Farmaajo

Guddoomiayaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi sharci darro ku tilmaamay magacaabistii Golaha adeega Garsoorka oo uu magacaabay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay 7-xubnood oo ka mid noqonaya 9-xubnood ee guddiga adeega Garsoorka, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya garsoorka dalka.

Qoraal uu soo saaray Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in gef sharci ay tahay in Aqalka sare loo soo gudbiyo xubno aan lagu soo magacaabin hannaan sharci ah.

6028eebf03954