Home Wararka Maanta Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan oo is casilay & Xiisad Culus oo wali...

Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan oo is casilay & Xiisad Culus oo wali ka taagan





Iyada oo xaalad kacsanaan ah ay gashay Magaalada Beedweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan ayaa waxaa ku dhawaaqay in uu is casilay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Iidow Cilmi.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay is casilaada, isaga oo taageeray, ciidamadii la magax baxay badbaadada Hiiraan ee xalay la wareegay Xerada lama galaaay & Xarumo kale.

“Waxaan Bogaadinayaa Shacabka Sharafta leh ee reer Hiiraan iyo Saraakiisha Badbaado Hiiraan, waxaana si toos ah iskaga Casilay Xilkii afhayenka Maamulka Gobolka Hiiraan ayuu ku yiri” Qoraalkiisa Cabdi Muumin Iidow.

Sababaha is casilaadiisa ayaa waxaa uu ku sheegay kadib markii Siyaasiinta ku sugan Beledweyne qaar ku hanjabeen in ay dilayaan Ugaaska Reer Hiiraan Ugaas Yuusuf Ugaas Hassan Ugaas Khaliif iyo Nabadon Cilmi Hagar Guure oo kamid ah Nabadoonada ugu caansan Gobolka Hiiraan.

Is casilaada uu ku dhawaaqay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Iidow ayaa waxaa ay kusoo aaday xilli xaalad kacsanaan ah ay gashay Magaalada Beledweyne, isla markaana qeybo kamid ah ay la wareegeen Ciidamo kasoo horjeedo in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago halkaas.

 




Source link