Home Ciyaaraha “Adiga Ayaa Sabab U Ah In Uu Messi Ka Tago Barcelona” Waa...

“Adiga Ayaa Sabab U Ah In Uu Messi Ka Tago Barcelona” Waa Kuma Xiddig Ay Taageerayaasha Barcelona Ku Aflagaadeeyeen Tababarka. – Banaadirsom

Taageerayaasha Banaadirsom Barcelona ayaa tababarka ku aflagaadeeyay xiddiga weerarka uga ciyaara Banaadirsom Barcelona ee Antoine Griezmann Iyada oo taageerayaashku ku eedeeyeen in uu sabab u yahay bixitaanka Lionel Messi ee Barcelona.

Banaadirsom Barcelona ayaa ku dhawaaqday khamiistii bixitaanka Lionel Messi kadib markii ay kooxdu ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixdaan.

Banaadirsom Barcelona ayaa bixitaanka Messi ku eedeeyay xeerka La Liga ee dhaqaale wanaaga iyada oo Banaadirsom loo diiday in ay heshiis cusub ka saxiixdaan ilaa inta ay dhimayaan mushaharka ay bixiso koxdu

Antoine Griezmann ayaa Banaadirsom mushahar ahaan uga qaata inta u dhexeaysa 590 kun oo Gini ilaa 795 kun taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan Banaadirsom waliba uu iska diiday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si ay kooxdu heshiis cusub uga saxiixato Lionel Messi.

Taageerayaasha Barcelona oo aad uga xanaaqay bixiaanka Messi ayaa si deg-deg ah cadhadooda ugu jeediyay xiddiga Antoine Griezmann iyaga oo ku oriyay xiddiga markii uu yimid tababarka.

Waxa la maqlay taageerayaasha oo ku qaylinaya”Adiga ayaa leh khaladka”, “Messi adiga dartaa ayuu u tagay”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Source link