Achraf Hakimi Oo Doonaya In Uu Isaga Tago PSG & Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday – Banaadirsom

Daafaca Paris Saint-Germain Achraf Hakimi ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku laabto Real Madrid xagaaga.

Xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Parc des Princes, 23-sano jirka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waxana uu kooxda PSG u ciyaaray 20 kulan tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Morocco ayaa kooxda reer France kula jira heshiis ilaa xagaaga 2026 ah laakiin waxa jirta suurtagalnimo uu uga tagi karo kooxda xagaaga 2022.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Xiddiga reer Morocco ayaa doonaya in uu sanadka 2022 ku laabto kooxda Real Madrid kadib markii uu horay uga tagay kooxda.

Kooxda PSG ayaa Hakimi ku qiimaysa lacag dhan 7 milyan oo euro oo ay ku jirto lacago gunooyin ah oo ku jira heshiiska xiddiga.


Source link