Home Wararka Maanta Abiy Axmad oo tusaale xun usoo qaatay Soomaaliya kuna cabiray hiigsiga Itoobiya...

Abiy Axmad oo tusaale xun usoo qaatay Soomaaliya kuna cabiray hiigsiga Itoobiya wadamada…

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa sheegay in dabin xun ay ku jiraan TPLF, oo laga adkaan doono marka ay dhacdo qorrax Beenaaddu.

Abiy ahmed ayaa sheegay in Itoobiya ay soo martay jilaal adag, sidaas darteed aanay ku fashilmi doonin Imtixaanada adag ee haysta maanta, isagoo sheegay in Ethiopia aanay lamid noqon doonin dalalka Soomaaliya, Yoguslavia,Liibiya iyo Suuriya oo uu sheegay in ay ku burbureen dagaallo la mid ah kuwa Ethiopia hadda ka socda.

Waxaa uu sheegay in Ethiopia ay moqon doonto sida Jarmalka, Japan, Kuuriya iyo Vietnam oo ka guulaystay cadawgoodii, dagaalkii lagu qaadayna awood ka dhaxlay.

Dadka Ethiopia ayuu ugu baaqay inay adkaystaan oo ay samraan inta laga adkaanayo Banaadirsom TPLF oo uu ku sheegay koox argagixiso ah oo dabin ugu jirta gacanta dawladda.

 

Source link