Abdirahman Abdishakuur Saxiixay Badda oo go’aan layaab leh shaaciyay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu eedeeyo inuu kamid yahay madaxdii muranka gelisay badda Soomaaliya ayaa shaaciyay go’aan cajiib ah.

Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka kasoo saartey dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya.

ICJ ayaa Jimcadii shalay ahayd waxay diidey dalab ka yimid xukuumadda Nairobi oo ahaa in mar afaraa dib loo dhigo dacwadda balse waxaa soojeedintaas gaashaanka ku dhufatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, diidmadda ICJ waxay meesha ka saareysaa marmarsiyada xukuumada waqtiga ka dhamaadey ee ku aadan in mucaaradka ay sabab u yihiin codsiga Kenya.

Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegta Facebook ayaa ku waaniyey madaxda waqtiga ka dhamaadey in aysan siyaasadeyn kiiska badda oo soo bilowday sanadka markii uu ahaa 2014-kii.

Waxaa uu tilmaamay inuu soo dhoweynayo go’aanka maxkamadda ay ku diidday dalabkii dowladda Kenya ee dib u dhigista dacwadda badda.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waa Alle mahaddii ah in ay meesha ka baxday isku daygii lagu doonayey in mucaaradka lagu eedeeyo dib u dhaca dacwadda”.

Hadalka Cabdiraxmaan ayaa dad badan la fajaceen maadaama lagu eedeeyo inuu kamid yahay dadkii Kenya u saxiixay baddeena. 6028efea5001d