Home Ciyaaraha Aaron Ramsdale Oo Digniin U Diray Bernd Leno Kadib Markii Uu Ku...

Aaron Ramsdale Oo Digniin U Diray Bernd Leno Kadib Markii Uu Ku Biiray Arenal – Banaadirsom

Saxiixa cusub ee Arsenal Aaron Ramsdale ayaa uga digay Bernd Leno inuusan ku qanci doonin in uu kaydka u fadhiyo isaga isaga xilli ciyaareedkan kadib markii uu ku soo biiray kooxda Arsenal.

Gunners ayaa Goolhayaha 23 jirka ah ka dhigtay Goolhayaha 3-aad ee ugu qaalisan kadib markii ay kala soo wareegtay kooxda Sheffield United.

Goolhaye Ramsdale ayaa Arsenal ugu soo biiray in uu la tartamo Goolhaye Leno o ah dookha 1-aad ee Mikel Arteta kaas oo la kulmay dhaleecayn xoogan oo ku saabsan qaab ciyaareedkiisa xun.

Leno ayaa ahaa goolhayaha 1-aad ee kooxda Arsenal tan ilaa markii uu Ka tagay Petr Cech Isaga oo xitaa kooxda ku qasbay in ay iska iibiyaan Goolhaye Emi Martinez.

“Tartanku waa muhiim, waana meel ay fiicantahay in la joogo”ayuu Ramsdale yidhi.

“Leno waxa uu qabtay shaqo fiican sanadihii ugu dambeeyay aniguna waxa aan halkan u imid in aan la tartamo”.

“Anigu Arsenal uguma soo biirin in aan noqdo badalkiisa laakiin waxa aan u imid in aan kula tartamo booska waliba kala boxo booska”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link