Home Arimaha Bulshada 7 Sir Oo Aad Ku Furi Kartid Qalbiga Gabadha Aad Jeceshahay –...

7 Sir Oo Aad Ku Furi Kartid Qalbiga Gabadha Aad Jeceshahay – Allsomali.net


Rag badan ayaa u haysta in kaftanka iyo amaantu yihiin wadooyinka ugu fiican ee lagu gaadhi karo qalbiga gabadh, qaar kale ayaa aaminsan in ay dumarku yihiin kuwo sir badan oo ay adagtahay in lala dhaqmo ama ay adagtay in lala hadlo laakiin xaqiiqada ayaa ah in ay dumarku u baahanyihiin Nin xariif oo ku xeel dheer farshaxanka dumarka sidoo kale garanaya sida loola dhaqmo dumark waliba furi kara qalbigeeda isaga oo adeegsanaya wadooyin kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sir kaa caawin kara in aad furato qalbiga Gabadha aad jeceshahayL

1- Ixtiraam:

waxaa soo jiita nin si ixtiraam leh ula hadla iyada iyo dadka ay jeceshahay sida qoyskeeda waliba aan dareensiin in ayna qiimo ku ku lahayn agtiisa taas oo u furaysa qalbiga gabadha Ninka sidaas sameeya.

2- dhagayso iyada:

Gabadhu waxay jeceshahay qof iyada dhageysta oo fahamsan dareenkeeda inta aysan soo bandhigin sidaas darteed hadii aad dhagaysto Gabadha waxa aad noqonaysaa qofka ugu dhaw qalbigeeda waliba u muujiso baahiyeheeda marka ay wakhtiga adag ku jirto.

3- Amaan iyo bogaadin:

Shaki kuma jiro in dumarka oo dhami ay jecel yihiin kuwa u qubeeya ereyo amaan ah iyo bogaadin taas oo kor u qaadaysa kalsoonidooda laakiin haka bad-badin amaanta si ayna u noqon buun-buunin ama Kaftan.

3- Daryeel:

Hadii sida ugu dhaw ee lagu gaadho qalbiga ninku ay tahay calooshiisa, hadaba daryeelka ayaa ah wadada ugu gaaban ee lagu gaadho qalbiga Gabadha, Dumarka ayaa soo jiita Ragga u muujiya daryeel iyo xiiso gaar ah, iyaga oo waydiinaya waxa ay jecelyihiin & Necebyihiin.

4- Dalicin:

Ninka Albaabka Ka Fura Gabadha Marka ay Gaadhiga Fuulayso ama ka dagayso Ama Ninka Ka Fura Albaabka Guriga ama Hudheelka ay galayso sidoo kale Kursiga u jiida marka ay fadhiisanayso sidoo kale mar walba la xidhiidha si uu u ogaado xaalkeeda ayaa ah Riyada Gabadh walba.

6- Qirashada qalad:

Gabadhu waxa ay Ixtiraamaysaa Ninka awooda leh ee waliba qiran kara khaladkiisa sidoo kale qaadaya wado uu ku soxo khaladkaas.

7- Noqo mid taageero ah oo caawi:

Dumarka Waxa soo jiita Ninka garab istaaga marka ay ku jirto wakhtiga ada sidoo kale Ilmada ka masaxa sidoo kale isku daya in uu farxad ugu badalo murugada.

Source link