Home Arimaha Bulshada 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska...

6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid – Banaadirsom


Waxa uuna shaki ku jirin in kulanka ugu horeeya ee wiilka iyo Gabadhu in uu leeyahay muhiimad weyn oo labada dhinac ah, waxana uu muhiimad gaar ah u leeyahay Ninka kaas oo doonaya in uu helo dareenka gabadha waliba is jeclaysiiyo gabadha marka ugu horaysa sidaas darteed waxa jirta khalad ay galaan raggu mararka qaar kulanka ugu horeeya.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 6 sabab oo keeni karta in ay Gabadhu kaa baxsato kulanka ugu horeeya ee aad la kulanto, hadaba Ninow iska ilaali khaladkaas kulanka ugu horeeya ee aad la yeelanayso gabadha.

1.Beenta:

Wali in badan oo Ragga ka mid ah ayaa aaminsan in ayna dumarku ogaan beenta, sidaas darteed waxa ay ku dhacaan khaladka ah in ay been u sheegaan kulankooda ugu horeeya, Daraasad ayaa lagu ogaaday in 80% Raggu been u sheegaan Gabadha kulanka ugu horeeya halka 75% dumarku ogaadaan Beenta uu Ninku u sheegay sidaasna ka fogaadaan Ninkaas kadib kulanka ugu horeeya.

2.In Uuna Muhiimada Siin Quruxdiisa:

In muhiimada lasiiyo quruxdu kuma koobna kaliya dumarka, Ragga ayaa sidoo kale u baahan in ay qurux badnaadaan kulanka ugu horeeya, sababta oo ah aragtida ugu horaysa ee gabadhu ma ahan mid ay waligeed iloobi karto sidaas darteed hadii aad gabadha kulanka ugu horeeya ugu tagto adiga oo aan daryeelin quruxdaada waxa ay keenaysaa in ay gabadhu si deg-deg ah kaaga hadho oo ayna kula sii socon.

3.Bakhaylnimada:

Deeqsinimadu waa arimaha ugu muhiimsan ee ay gabadhu ka fiirsato marka ay Ninka la kulmayso, sidaas darteed waa in aad deeqsi noqoto kulanka ugu horeeya sababta oo ah arintaas ayaa door weyn ka ciyaari karta in ay gabadhu ku aqbasho sidaas darteed waa in aad gabadha kula kulanto meel fiican kulanka ugu horeeya adiga oo aan eegayn qiimaha maadama bakhaylnimadu sabab u noqon karto in ay gabadhay kaa baxsato kadib kulanka ugu horeeya.

4.Fikiro kala duwan:

Waxa laga yaabaa in ayna Gabadhu hadal badan samayn kulanka ugu horeeya sababta oo ah waxa ay doonaysaa in ay ogaato qaabka uu Ninku u fikirayo, sababta oo ah             Qaabka uu Ninku u fikirayo waa sababahay ay Gabadhu Ninka ku aqbali karto ama ku diidi karto kulanka ugu horeeya.

5.Ka Hadalka Xishoodka Gabadha:

Ninku waa in uu Ixtiraamu Xishoodka iyo Gabadhnimada gabadha, waxa aan uga jeedaa in uuna ka hadlin xishoodkeeda wax walba oo dhaca sababta oo ah waxa ay ka mid ah arimaha ugu muhiimsan ee ay gabadhu kaaga fogaan karto kulanka ugu horeeya.

Source link