Home Ciyaaraha 5-ta Xiddig Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Ballon d’Or 2021 – banaadirsom

5-ta Xiddig Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Ballon d’Or 2021 – banaadirsom

Iyada oo uu si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka kuadadeed waxa jira xiddigo dhawr ah oo u sharaxa abaalmarinta Ballon d’Or kadib markii ay dhamaadeen tartamada copa America iyo Euro-da.

Wargayska MARCA Ayaa shaaca ka qaaday Liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan.

Lionel Messi

Xiddiga reer Argentine aya ugu dambayn xulka qarankiisa kula guulaystay Copa America waana xiddiga ugu cad-cad ee u guulaysiga abaalmarinta kadib koobka uu xulka qarankiisa kula guulaystay.

Jorginho:

Xiddiga khadka dhexe ayaa xilli ciyaareedkan ku guulaystay Champions League iyo Euro-da kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay banaadirsom chelsea iyo waliba xulka qarankiisa.

Harry Kane:

Hadii ay England ku guulaysan lahayd euro 2020, Kane ayaa noqon lahaaa xiddiga ugu cad-cad, inkasta oo uu xiddigu kulamadii hore si xun u ciyaaray hadana kulamadii dambe ayuu wacdaro dhigay.

Robert Lewandowski:

Xiddiga reer Poland ayaan xulkiisa ka caawin in ay boos fiican ka gaadho tartanka euro 2020 laakiin xiddiga ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay banaadirsom Bayern Munich waxana uu dhaliyay 41 gool tartamada oo dhan.

Giorgio Chiellini

Daafaca dhexe ee reer Italy ayaa dhankiisa muujiyay awoodiisa kadib markii uu qaab ciyaareed wareer ah ku soo bandhigay Xulka Italy isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay ku guulaysiga euro 2020.

Source link