Home Ciyaaraha 5-ta Saxiix Ee Ay Arsenal Ku Fashilantay Suuqa Xagaagan Oo La Soo...

5-ta Saxiix Ee Ay Arsenal Ku Fashilantay Suuqa Xagaagan Oo La Soo Saaray. – Banaadirsom

Banaadirsom Arsenal ayaa u muuqata kuwo mar kale seegaya bartilmaameed kale kadib markii ay Arsenal isaga baxday wadahadaladii ay kula jireen Banaadirsom sheffield United oo ay ka doonayee saxiixa Goolhaye Aaron Ramsdale.

Laakiin suuqa xagaagan Aaron Ramsdale ayaan ahayn xiddiga kaliya ee ay Gunners seegtay iyaga oo ay jiraan xiddigo kale oo lagu garaacay saxiixooda Banaadirsom Arsenal intii uu socday suuqa xagaagan.

Banaadirsom Arsenal ayaa Aaron Ramsdale u doonaysay in uu booska 1-aad ee Goolka kula tartamo Bernd Leno inta lagu jiro suuqa xagaagan laakiin Arsenal ayaa diiday in ay bixiso lacagta 34-ka ah ee ay Sheffield United doonaysay.

Hadaba wargyska Mirror ayaa warbixin ku soo saaray liiska 5 xiddig oo ay Arsenal ku fashilantay saxiixooda suuqa xagaagan.

Aaron Ramsdale – £30m

Kadib markii muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Ramsdale, waxa ay u muuqatay in ay Arsenal helayso saxiixa xiddia shalay laakiin Banaadirsom Sheffield United ayaa dalbatay 34 milyan oo euro taas oo keentay in ay Arsenal gabi ahaan isaga hadho baacsiga Goolhayaha.

Emi Buendia – £38m

Kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay Banaadirsom Norwich City,xiddiga reer Argentine ayaa bartilmaameed u noqday Banaadirsom Arsenal iyada oo uu Mikel Arteta doonayay in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.

Koxoda Arsenal ayaa ka meer-meeraysay in ay bixiso lacata ay Norwich City dul dhigtay oo ahayd 38 milyan waxana ay sugaysay in ay hoos u dhigto qiimaha laakiin Banaadirsom Aston Villa ayaa si lama filaan ah ugu garaacday saxiixa xiddiga.

Lautaro Martinez – £60m

Xiddigan ayaa mar ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Barcelona laakiin Banaadirsom reer Spain ayaa isaga hadhay saxiixa xiddiga waxa xagaagan lala xidhiidhinayay Banaadirsom Arsenal si ay ugu xoojiyaan weerarka laakiin Arsenal ayaa diiday in ay bixiso lacagta 60-ka milyan ee ay Inter Milan dul dhigtay xiddiga taas oo keentay in ay chelsea ku guulsato saxiixa xiddiga Romelu Lukaku, Inter ayaana haatan sheegtay in uuna xiddiga reer Argentine iib ahayn.

Martin Odegaard – £42m:

Xiddiga reer Norway ayaa amaah ku qaatay Gunners xilli ciyaareedkii hore laakiin Banaadirsom ayaa doonaysa in ay qaab toos ah ula wareegto si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa diidan in ay bixiso lacagta ay Real Madrid ku qiimayso xiddiga.

Ryan Bertrand – Xor:

Bilowgii xagaagan Arsenal ayaa si weyn u doonaysay saxiixa xiddiga Ryan Bertrand kaas oo uu dhacay heshiiskiisa Banaadirsom Southampton laakiin Leicester City ayaa ugu dambayn ku garaacday saxiixa xiddiga reer England.

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Source link