5 Kooxood Oo Halis Ugu Jira In Ay Wareega Group-yada Kaga Hadhaan Champions League Xilli Ciyaareedkan. – Banaadirsom

Waxa bilaaban doona kulamadii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada champions league xilli ciyaareedkan iyada oo maalinta Khamiista la ogaan doono dhamaan kooxaha iska xaadiriyay wareea 16-ka champions League marka uu dhamaado wareega Group-yada tartanku.

Waxa khatar ku jira kooxo waaweyn oo magac leh kuwaas oo wareega Group-yada kaga hadhi kara champions League xilli ciyaareedkan hadii ay guulo gaadhi waayaan kulamadooda ugu dambeeya wareega Group-yada.

11 Kooxood ayaa haatanba u soo baxay wareega 16-ka champions League ka hor inta aan la ciyaarin kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada tartanka.

Kooxaha Liverpool, Ajax, Bayern Munich, Juventus, Manchester United, Chelsea, Manchester City, Paris Saint-Germain, Sporting Lisbon, Inter Milan & Real Madrid ayaa dhamaantood xaqiiqsaday booskooda xiga ee tartanka.

Laakiin 5 kooxood ayaa haatan halis ugu jira in ay wareega Group-yada kaga hadhaan tartanka champions league kuwaas oo kala ah Atalanta, Barcelona, Ac Milan, Atletoco Madrid Iyon Sevilla.


Source link