Home Arimaha Bulshada 5 Faa’iido Oo Ay Lamaanaha U Leedahay Dhunkashadu – Allsomali.net

5 Faa’iido Oo Ay Lamaanaha U Leedahay Dhunkashadu – Allsomali.net


Hadii ayna dhunkashadu door muhiim ah ka ahayn xidhiidhkaaga, waxa xaqiiqo ah in aad ogayn waxa aad luminaysid.

Lamaanayaasha qaar ama dadka is qaba qaar ayaan wax aqoon ah u lahayn muhiimada ay dhunkashadu u leedahay xidhiidhka dadka is qaba.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa 5 sabab oo ay tahay in aad u dhunkatid lamaanahaaga.

1.Waxa ay xoojisaa xidhiidhka:

Hadii ay tahay in aad iska dhunkataan madaxa, gacanta iyo dhabanka, dhunkashada ayaa labada qof ee is qaba ka caawisa in ay xoojiso xidhiidhkooda.

2.Waxa ay Xoojisaa kulanka sariirta:

Waa arinta ugu muhiimsan lamaaha is qaba, waxa xaqiiqo ah in kulanka sariirta oo ay dhunkasho ka maqantahay in ayna ahayn mid soo jiita labada qof, dhunkashada waxa ay muhiim u tahay kulanka sariirta waxana ay kor u qaadaa in ay labada qof ku raaxaystaan kulanka sariirta.

3.Guurka ayay Fiicnaysaa:

Dhunkashada ayaa kor u qaada xidhiidhka xoogan ee labda qof ee is qaba, waxana ay xoojisaa Guurka waxana ay keentaa in ay labada qof ku raaxaystaan guur fiican.

4.Waxa ay farxad galisaa labada qof:

Dhunkashada ayaa farxad galisaa labada qof ee is qaba waxana ay labada qof noqonayaan kuwo isku faraxsan inta ay samaynayaan arintan.

5.Waxa uu hoos u dhigtaa wel-wel-ka:

Sida iska cad dhunkashada ayaa sidoo kale qofka ka caawisa in uu nafiso, meeshana ka saarto wel-wel-ka uu dareemayo qofku.

Dhunkashada ayaa qofka ka caawisa in uu iloobo dhibaatada waxana uu maskaxda ku soo daayaa Hoormoon qofka ka caawiya in uu iloobo wel-welka uu dareemayo.

Source link