Home Arimaha Bulshada 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku...

5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas – Banaadirsom


Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in gabadhu xasuusnaan doonto inta nolosheeda ka dhiman Ragga qaar, sababta ayaana ah saamaynta uu Ninkaas ku yeesho xaalado gaar ah, waxa jira dumar la kulma Ragga xaalado gaar ahn xitaa haddii ay tahay mid aad u yar hadana ma iloobaan Ninkaas waxana ay muddo dheer ku jiri doonaan qalbigooda.

Daraasada ayaa sheegtay in xasuustaa ay ka dambayso marka ay gabadhu Ninka kala kulanto dhaqan gaar ah kaas oo saamayn weyn ku yeelanaya qalbigeeda.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 arin oo uu Ninku u sameeyo Gabadha taas oo inta nolosheeda ka dhiman ku jiri doona qalbigeeda.

1.Ninka Gabadha Kula Kulma Xaalad qurux badan:

Daraasada ayaa muujinaysa in Ninka gabadh kula kulma xaalad gaar ah tusaale ahaan marka ay jidh ahaan daalantahay kana caawiya in uu kor u qaado ruuxdeeda, inta badan Gabadha ayaa ninkaas xasuusato muddo aad u dheer.

2.Ninka Gabadh Ka Badbaadiya xaalad Adag:

Gabadha ayay adagtahay in ay ilowdo Ninka ka badbaadiya xaalad adag, Marka uu Ninku ka badbaadiyo xaalad adag oo halsi ku ah nafteeda ah ma ilowdo gabadhu Ninkaas inta nolosheeda ka dhiman.

3.Marka Uu Ninku U Amaano quruxda Gabadha Qaab Ixtiraam ku jiro:

Kadib daraasad ay ka qayb qaateen 3,000 oo dumar 72% gabadha ayaanan iloobin Ninka amaana quruxdeeda, halka 20% ay sheegeen in ayna iloobin Ninka wax fiican a sheega gabadha halka 15% ay xaqiijiyeen in ayna iloobin Ninka siiya talo fiican waliba caawiya.

4.Ninka Muujiya Wanaag Gabadha Horteeda:

Marka uu Ninku wanaag ku hor muujiyo Gabadha, Wanaaga ayaa ah tayada ugu fiican ee saamaynta weyn ku yeelata qalbiga Gabadha sidaas darteed ma ilowdo Ninka wanaag horteeda ku muujiya.

5.Ninka Muujiyo ka go’naansho Dhanka jacaylka Ah:

Gabadha ayaan iloobin Ninka ay ka go’antahay in uu difaaco jacaylkiisa sidoo kale u dagaalamaya waliba muujiya ka go’naanshihiisa dhanka jacaylkiisa.

Source link