Home Arimaha Bulshada 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay...

3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn. – Allsomali.net


Dunida dumarka waxaa ku jira sir badan oo raggu uusan ogeyn. Ragga qaar waxay isku dayaan inay fahmaan sirta dumarka iyo shaqsiyadooda, waxayna badanaa kala kulmaan dhibaato badan.

Sidoo kale, waxaa jira dabeecado qaarkood oo uu ninku si Kama’ ah u sameeyo laakiin uuna wax aqoon ah u lahayn in ay dumarku si waali ah u jecelyihiin waliba ka helaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 ficil oo ay Raggu Si Kama’ Ah u sameeyaan laakiinay dumarku ka helaan waliba Ninka ku jelcaadaan.

1.Run Sheegista Marka Aad Gabadha La Hadlayso:

Daacadnimada Ninka ayaa loo tix galiyaa dhinaca Cilmi-Nafsiga in ay tahay amaan iyo raax ay hesho Gabadhy, Dumarka ayaa dabeecad ahaan ah kuwo wal-wal badan waxana ay mar walba doontaa in ay darteento in uu Ninku kaliya diirada saarayo iyada sidaas darteed Ninka sida dhabta ah wax ugu sheega isaga oo aan wax ujeed ah ka lahayn waxa ay kor u qaadaa jacaylka u qabto Ninka ama aad ayay uga heshaa.

2.Ixtiraamka Gabadhnimadeeda:

Ixtiraamka uu Ninku u qabo gabadhnimada ay leedahay Gabadhu waliba si kama’ ah, Tusaale ahaan in uu ka furo Albaabka Baabuur-ka iyo in uu Kursiga dib ugu soo jiido kadib u celiyo marka ay fadhiisanayo.

Arimahan fudud waxa ay saamayn weyn ku yeelataa qalbiga gabadha waxana ay keenaysaa in ay Wiilka si waali ah u jeclaato isaga oo aan ogayn.

3.Taageerista Marka Ay Gabadhu Dhibaato Ku Jirto:

Taageerada lama filaanka ah ee ninka uu ka siiyo faraxadeeda iyo sidoo kale murugadeeda waxa ay kalsooni galisaa Gabadha waxana ay gabadha dareensiisaa raaxo iyo xasilooni waxana ay door weyn ka qaadataa in ay si xad dhaaf ah u jeclaato Ninka.

Source link