Home Ciyaaraha 15 Xiddig Ee Da’yarka Ah Ee Ugu Fiican Kubada Cagta Oo La...

15 Xiddig Ee Da’yarka Ah Ee Ugu Fiican Kubada Cagta Oo La Shaaciyay – Banaadirsom

Xarunta Caalamiga ah ee Daraasaadka Isboortiga ayaa daabacday liiska 15 xiddig ee da’yarka ah ee ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan waxana kaalinta 1-aad ku soo baxay xiddiga kooxda Barcelona ee Pedri.

Sidoo kale waxa liiska ku jira xiddigaha kooxda Arsenal iyo Man United ee Mason Greenwood & Bukayo Saka kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxohooda.

Si kasta ha ahaatee labada xiddig ee Mason Greenwood & Bukayo Saka ayaan ku jirin boosaska ugu sareeya Liiska iyaga oo uu ka horeeyo xiddiga kooxda Barcelona ee Pdrid kaas oo ah da’yarka ugu fiican.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Man United ee Mason Greenwood halka uu kaalinta 3-aad ku jiro xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Nuno Mendes.

Hadaba Halkan Kaga Bogo 15-ka da’yar ee ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirikan:

  1. Pedri – Barcelona
  2. Mason Greenwood – Manchester United
  3. Nuno Mendes – Sporting Lisbon
  4. Ryan Gravenberch – Ajax
  5. Matheus Martinelli – Fluminense
  6. Goncalo Inacio – Sporting Lisbon
  7. Bukayo Saka – Arsenal
  8. Fabrizio Diaz – Liverpool [in Uruguay]
  9. Jeremy Doku – Rennes
  10. Jude Bellingham – Borussia Dortmund
  11. Florian Wirtz – Bayer Leverkusen
  12. Lucas Calegari – Fluminense
  13. Giovanni Reyna – Borussia Dortmund
  14. Eduardo Camavinga – Rennes
  15. Octavia Popescu – FCSB

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link