Home Ciyaaraha 13 Sano Ka Hor Ayaa Real Ugu Dambeeysay In Guuldareystaan Kulanka Furitaanka...

13 Sano Ka Hor Ayaa Real Ugu Dambeeysay In Guuldareystaan Kulanka Furitaanka La Ligaha – Banaadirsom

Real Madrid  ayaa kulankooda ugu  horeeya horyaalka waxa ay la soo ciyaarayaan Alaves , waxa ayna kulankaan galayaan iyadoo xilli ciyaareedkii hore ku dhameystay booska labaad ka dib markii Atletico Madrid ku guuleysatay horyaalka

Alaves waxa ay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysteen booska 16-aad ee kala sareynta kooxaha La Lgaha , waxa ayna kaliya afar dhibic u jireen barta La Ligaha looga dhaadhaco.

Xogta Kulanka

*Alavaes waxa ay badiyeen laba kulan oo qeyb ka ah lixdii kulan  ee ugu dambeeyay La Ligaha oo ay Real Madrid ka hor tageen

*Alaves waxa ay guul daraysteen 26 jeer oo ay ka hor tageen Real , mana jirto koox kale oo ay  arintaan oo kale ay  kala kumeen

*Real tan iyo 2008-dii ma aysan guul dareysan kulankooda ugu horeeya furitaanka horyaalka waxaana waqtigaas 2/1 ku soo garaacday Deportivo de La Coruña

Shaxda laga yaabo in Real ku soo galaan kulankaas Courtois; Vazquez, Nacho, Alaba, Marcelo; Modric, Casemiro, Valverde; Rodrygo, Jovic, Vinicius

 

 

Source link