Home Ciyaaraha 10-ka Saxiix Ee Ugu Waaweyn Ee Dhici Kara Inta Lagu Jiro Suuqa...

10-ka Saxiix Ee Ugu Waaweyn Ee Dhici Kara Inta Lagu Jiro Suuqa Xagaagan – Banaadirsom

Suuqa kala iibsiga waxa jira wax loo yaqaano lama filaan maadama saxiix kasta si lama filaan ah ku dhici karo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Inkasta oo xanuunka Korona hoos u dhac ku keenay dhaqaalaha Kooxaha kala duwan hadan arintaas ayaan la macno ahayn ama aan kooxaha ka hor istaagin in ay sameeyaan saxiixyo suuqa xagaagan.

Iyada oo kooxuhu haatan ku soo laabanayaan kooxohooda ka dib ka qayb qaadashadii tartamadii euro 2020 iyo Copa America kooxaha kala duwan ayaa awooda saaraya in ay dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Wargayska Daily mirror ayaa soo bandhigay 10-ka saxiix ee laga yaabo in ay dhacaan suuqa xagaaga ka hor inta uuna xidhmin suuqu:

Jack Grealish  ->  Manchester City

Banaadirsom Man City ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Grealish kadib markii ay wadahadalo Rasmi ah la furtay Banaadirsom Aston Villa si ay uga helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ku fiican, inkasta oo ay Aston Villa doonayso in ay sii haysato xiddiga hadana Man City ayaa ku kalsoon in ay heli doonto saxiixa xiddiga reer England.

Erling Haaland  ->  Chelsea

Banaadirsom chelsea ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga Banaadirsom Borussi Dortmund ee Erling Haaland, Blues ayaa ka mid ah kooxaha yar ee awooda u leh in ay bixiyaan lacagta lagu doonayo xiddiga aadka loo qiimeeyo laakiin chelsea ayaa la sugayaa in la ogaado in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta ay Dortmund ku doonayso xiddiga.

Paul Pogba  ->  Paris Saint-Germain

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa aad loo filayaa in uu ku biiro Banaadirsom PSG kadib markii uu iska diiday heshiis cusub oo ay Banaadirsom Man United u soo bandhigtay, Paul ayaa ku jira sanadkisiii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Man United waxana la filayaa in ay iska iibiso xiddiga xagaagan hadii uu diido heshiis cusub.

Harry Kane ->  Manchester City

Kabtanka England ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago Banaadirsom Tottenham kadib xilli ciyaareed kale oo koob la’aan ah waxana lala xidhiidhinayaa Man City iyada oo Citizen haatanba dalab 100 milyan ah ka gudbisay laakiin laga diiday dalabkaas.

Laakiin Man City ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Tottenham u soo bandhigto xiddigaha Sterling, Jesus, Silva iyo Mahrez hadii ay u fududaynayso saxiixiisa.

Jules Kounde  ->  Chelsea

Banaadirsom chelsea ayaa dhankooda ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Sevilla ee Kounde kadib markii uu xiddigu noqday bartilmaameedka 1-aad ee tababare Thomas Tuchel si uu ugu xoojiyo daafaciisa, Kounde ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Banaadirsom chelsea.

James Maddison ->  Arsenal

Banaadirsom Arsenal ayaa la filayaa in ay hal xiddig oo khadka dhexe ah ku daraan kooxdooda ka hor inta uuna suuqa kala iibsigu xidhmin waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga James Maddison kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago Arsenal, Mikel Arteta ayaa taageero u ah xiddiga Reer England waxana la filayaa in ay Arsenal u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga hadii ay iska iibiso xiddigo kale oo khadka dhexe ah.

Martin Odegaard  ->  Arsenal

Waa xiddig kale oo lala xidhiidhinayo Banaadirsom Arsenal iyada oo Arsenal tan ilaa bilowgii xagaaga doonaysay in ay la wareegto xiddiga Martin Odegaard kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay 6-dii bilood ee uu Banaadirsom kula joogay qaabka amaahda ah.

Cristiano Ronaldo  ->  Paris Saint-Germain

Xiddiga Cristiano ayaa lala xidhiidhinayay ka tagista Juventus tan ilaa bilowgii suuqa xagaaga waxana xiddiga reer Portugal lala xidhiidhinayaa Banaadirsom PSG, Ronaldo ayaa haatan ku soo laabtay tababarka Juventus waxana la filayaa in la ogaado mustaqbalkiisa maalmaha soo socda laakiin Banaadirsom PSG ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga.

Kieran Trippier  -> Manchester United

Xiddiga Trippier ayaa doonaya in uu ku biiro Banaadirsom Man United waxana uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Banaadirsom Red Devils, United ayaa dhankooda doonaysa saxiixa xiddiga si ay ula tartansiiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka waxana United ka go’an saxiixa xiddiga.

Saul Niguez -> Liverpool:

Man United ayaa la filayaa in ay dalab Rasmi ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Spain iyada oo uu Jurgen Klopp suuqa ugu jiro badalka Gini Wijnaldum kaas oo ka tagay Banaadirsom Xagaagan, Liverpool ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ka gudbiso saxiix iyada oo waliba markan filaysa in ay Atletico Madrid aqbasho dalabka xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Source link