Home Ciyaaraha 10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Arsenal Kadib Markii Ay Dhamaystirtay Saxiixa...

10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Arsenal Kadib Markii Ay Dhamaystirtay Saxiixa Ben White. – Banaadirsom

Banaadirsom Arsenal ayaa rikoodhka suuqa ee daafaca u jabisay Ben White kadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa xiddiga reer England kana dhigtay saxiixdeedii 3-aad ee suuqa xagaaga.

Gunners ayaa 50 milyan oo euro ku dhamaystirtay saxiixa xiddiga iyaga oo maanta si Rasmi ah ugu dhawaaqay xilli ay sii wadaan wacadaraha ay ka dhigayaan suuqa xagaaga.

Kadib ku biirista Gunners daafaca dhexe ee Ben White ayaa ku biiray Liiska xiddigaha ugu qaalisan taariikhda Banaadirsom Arsenal isla markaasna isku qoray taariikhda Banaadirsom Arsenal.

Xiddiga reer England ayaa ku soo biiray Arsenal kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Brighton xilli ciyaareedkii dhamaaday waliba looga yeedhay xulkiisa tartankii euro 2020.

Xiddiga Ben White ayaa noqday saxiixa 3-aad ee ugu qaalisan taariikhdka Arsenal isaga oo kaliya ka dambeeya xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Nicolas Pepe Kuwaas oo ah saxiixyada ugu qaalisa Arsenal.

Hadaba halkan kaga bogo Liiska 10-ka xiddig ee ugu qaalisan taariikhda Banaadirsom Arsenal Kadib ku biirista White ee Arsenal:

  1. Nicolas Pepe – £72m
  2. Pierre-Emerick Aubameyang – £57m
  3. Ben White – £50m
  4. Alexandre Lacazette – £47m
  5. Thomas Partey – £45m
  6. Mesut Ozil – £42m
  7. Alexis Sanchez – £38m
  8. Shkodran Mustafi – £35m
  9. Granit Xhaka – £30m
  10. William Saliba – £27m

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Source link